(Qasa) O6 Nof 2023 – Xilli Israa’iil ay weli sii waddo duqeymaha aan kala sooca lahayn ee dhanka cirka ah ee ay ku hayso Marinka Qasa, ayaa militariga Israa’iil waxa ay sheegeen in hawada sare ee bartamaha dhulka Israa’iil laga maqlay codka gantaalaha laga soo ganay dhanka Qasa.
“Malaayiin Israa’iiliyiin ah ayaa ka ordaya sidii ay uga gamban lahaayeen bambooyinka,” ayaa lagu yiro qoraal la soo dhigay barta X, oo horey loo oran jiray twitter isla markaana ay leeyihiin milatariga Israa’iil.
Dhanka kale, Ciidamada millateriga Israa’iil ayaa sheegay in magaalada Qasa ay “hareereeyeen” isla markaana ay laba u gala gooyeen.
Waxay intaas ku dareen in ciidamadu kaabiga ku hayaan xeebaha dhulka Falastiiniyiinta.
Millateriga Israa’iil ayaa intaa raaciyey in sidoo kale diyaaradahoodu ay weerar ku qaadeen “ilaa 450 bartilmaameed… oo ay ku jiraan xeryo ciidan, goobo indho-indhayn loogu tala galay, saldhigyada taangiyada” iyo kuwo kale.
Milatariga Israa’iil ayaa dhawaan sheegay in 8,000 oo gantaal lagu soo riday Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar.
Hadalsame Media