”Waxaan galnay khalad akhlaaqi ah” – Midowga Yurub oo qirtay inay Galbeedku hagradeen Falastiin & Qorshe ay hadda damacsan yihiin

0

(Brussels) O6 Nof 2023 – Reer Galbeedka ayaa mas’uul ka ah xiisadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Falastiin, sababtoo ah waxay dayaceen inay wax ka qabtaan sababaha asaasiga ah ee keenay arrintan, ayuu yiri Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Dibedda Josep Borrell.

Waxa uu intaa ku daray in aanu u arag si lagu soo afjari karo dagaalkan soo jiitamayay tobannaan sano iyadoo la adeegsanayo xal ciidan ama xoog.

Isagoo ka hadlayey intii lagu jiray Shirkii Danjirayaasha Midowga Yurub Isniintan maanta ah, Borrell wuxuu sheegay in “musiibada ka socota Bariga Dhexe ay tahay natiijada guuldarro siyaasadeed iyo mid akhlaaqi ah oo ay iyagu galeen.”

Waxa uu caddeeyey in guul-darradaasi ay keentay “rabitaan dhabta ah oo aan ku doonayno inaan xallino dhibaatada Israel-Falastiin oo aan jirin.”

Wuxuu sheegay in EU ay leedahay “waajib ku saabsan INAY XALKA ka qaybgasho,” sida yuu sheegay diblamaasigu, isaga oo intaa ku daray in haatan Brussels ay diiradda saarayso bixinta gargaarka bini’aadminnimo ee dadka rayidka ah ee ku xayiran Gaza, balse muddada dheer ay raadinayaan “in la gaaro xal dhamaystiran oo dhab ah.”

Hadalsame Media