(Kyiv) O6 Nof 2023 – Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky ayaa qirtay in dalal ka mid ah taageerayaashiisa reer Galbeedku ay isaga ugu soo geed fariisteen inuu la xaajoodo Ruushka oo heshiis nabadeed la gaaro Moscow, tiiyoo ay jirto diidamadiisa joogtada ah ee ku salaysan inaanu dalkaa waxba kala hadlin.
Waraysi uu siiyey NBC News Axaddii, Zelensky ayaa la waydiiyey inuu ka hadlo wararka sheegaya in saraakiisha reer Galbeedku ay la soo xiriireen Kiev si ay ugala hadlaan wadahadal nabadeed oo lala yeesho Ruushka.
Kanaalka ayaa sidoo kale doonayey inuu caddeeyo inuu MW Ukraine shakhsi ahaan ku lug lahaa wada hadalka iyo in kaliya lala hadlay saraakiisha Kiev.
Zelensky wuxuu sheegay in walow uu maqlayo “codad badan oo kala duwan iyo soo jeedinno dhowr ah,” misna uusan wax xiriir ah la yeelan Ruushka, isaga oo intaa ku daray in dhammaan saraakiisha sarsare ee Maraykanka iyo siyaasad-dejiyeyaasha Galbeedku ay si fiican uga warqabaan diidmadiisa ah inuu la xaajoodo Moscow.
NBC News ayaa sidoo kale soo weriyay in saraakiisha reer Galbeedku ay wadahadallo “xasaasi” ah la yeesheen Kiev, iyaga oo eegaya wixii tanaasulaad ah oo ay diyaar u tahay in la sameeyo si loosoo afjaro khilaafka Ruushka iyo Ukraine.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Ireland ee Leo Varadkar ayaa ku dhawaaqay in dowladdiisu ay doonayso in qaxootiga reer Ukraine ay iska bixiyaan kharashka ku baxaya hoygooda oo ay haatan dowladdu ka dabbarto.
Waxa uu xusay in Ireland ay ilaa hadda ka mid tahay waddamada EU-da ugu deeqsisan arrimahan, balse aanay sii wadi karin dhibaatada guriyaynta oo uu culays ba’ani ka jiro awgeed.
Hadalsame Media