(Hadalsame) O6 Nof 2023 – Dalka Iran ayaa galaangal u helay arrin istaraatiji ahaan wax wayn ka bedeli doonta awoodda duqayneed ee gantaalaha riddada fog iyadoo aan adeegsan hannaanka hagitaanka Maraykanka ee GPS, sida uu sheegay Innovation Diary oo inta badan ka hadla horumarka Shiinaha.
Iran ayaa adeegsanaysa hannaanka Shiinaha ee Baidu marka ay timaado hagitaanka gantaalaheeda riddada dheer, taasoo ka dhigan in Maraykanka oo markii ugu horreeysey muddo 32 sano ah wajahaya 2 awoodood oo caalami ah, uu waayi doono awooddii uu kaligii ku haystey hawada sare.
Iran oo leh awood gantaalaha culus ee riddada dheer oo ay iyadu inta badan samaysatay, ayaa haddii ay hesho tiknolojiyaddan ay keeni doontaa waa cusub oo ku baryey dalalka ay is hayaan, gaar ahaan Israel oo ay gobolka ku xafiiltamaan IWM.
Sidoo kale, xiriirka aadka usii fogaanaya ee ay iran la leedahay labada cududood ee kusoo baxay Maraykanka ee Shiinaha iyo Ruushka ayaa lafteedu waxay dalkan siinaysaa fursad ay uga raysato cunaqabataynta ay dalkaa muddada dheer ku hayeen Maraykanka iyo Galbeedku.
Waxay sidoo kale siinaysaa fursad ay dalalkaa kula wadaagto tiknolojiyadda (transfer of technology) muhimka ah si ay u hormariso waxyaabo badan oo ay soo saarto amaba xitaa qaar aysan weli awood u lahayn samayntooda.
Hadalsame Media