Dibadbaxayaal ka caraysan xasuuqa Marinka Qasa oo dhib u gaystey Aqalka Cad oo ay isku dayeen inay xoog ku galaan (Daawo)

0

(Washington, DC) O5 Nof 2023 – Dibadbaxayaal taageersan Falastiin ayaa rinji cas ku mariyey xayndaabka amniga ee Aqalka Cad ee Washington, DC fiidnimadii Sabtigii, iyadoo qaarkood ay isku dayeen inay albaabka soo galaan, islamarkaana ku dhaleeceeyey Madaxwayne Joe Biden inuu indha la’aan u taageerayo Israa’iil.

Dhaqdhaqaaqayaasha ayaa ruxayey calanka Falastiin, waxaana ay ku qaylinayeen hadallo aflagaaddo ah oo ay kula kacayeen Madaxwaynaha. Waxa ay sidoo kale si xoog ah u ruxeen albaabka tiiyoo ay ciidamada ammaanku ay dhinaca kale kasoo eegayeen.

In kasta oo uu xaalku kululaa, afhayeenka US Secret Service ee ilaaliya madaxda, Anthony Guglielmi, ayaa markii dambe u sheegay warfidiyeenka in “isku daygii albaabka lagasoo galo Aqalka Cad markii hore lagu xalliyey dhibaato la’aan,” lamana xirin bannaanka Aqalka Cad.

Tobannaan kun oo qof ayaa isugusoo baxay Washington, DC, iyagoo ku baaqaya xabbad-joojin u dhaxaysa Israa’iil iyo kooxaha Falastiiniyiinta, iyagoo ka dayrinaya xasuuqa ka soconaya Gaza.

Hadalsame Media