(Kyiv) O6 Nof 2023 – Safar la qorsheeyey inuu Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky uu ku tago Israa’iil dabayaaqada bishan ayaa laga yaabaa inuusan dhicin kad dib markii Channel 12-ka Israa’iil uu dadwaynaha u dusiyey warka ku saabsan booqashada, sida uu diblomaasi Ukraine ah oo aan la magacaabin u sheegay Times of Israel Axaddii.
“Wuxuu rabey in safarku noqdo mid kaliya la ogaado markii uu kasoo dego dhulka Israa’iil,” ayuu sarkaalku u sheegay warbaahinta, isagoo intaas ku daray in Zelensky uu “aad uga niyad jabay dusinta warka.”
Hoggaamiyaha Ukraine ayaa la filayey inuu booqdo Israa’iil isla usbuuca soo socda, sida uu Channel 12 sheegay Jimcihii, isagoo ku doodaya in qorshaha booqashadu ay mar horeba marayso “marxalad gebagebo ah.”
Booqashadani waxay ahayd wax ay ku sheegeen inay matalayso wax ay ku tilmaameen ”wejiga midaysan” ee Israa’iil, Ukraine, Yurub, iyo Maraykanka ee ka dhanka ah ”isbahaysiga Ruushka iyo Iran.”
Qorshuhu wuxuu ahaa inay sawir wada galaan MW Zelensky, RW Benjamin Netanyahu iyo MW Israeli ee Isaac Herzog oo wada Yuhuud ah, si ay farriinta u diraan, sida la yiri.
Hadalsame Media