(Washington, DC) O4 Nof 2023 – Millateriga Maraykanka ayaa qirtay inay daroonno “aan hubaysnayn” ay u direen Marinka Gaza, iyaga oo sheegay in sidaa loo yeelay si ay gacan uga gaystaan helista la haystayaasha ay Xamaas qafaasheen.
Saraakiishan Maraykanka ah ee ay warbaahintu soo xigatey ayaa sidoo kale ku adkaysanaya in diyaaraduhu aysan taageerin howlgallada iyo duqaymaha arxan darrada ah ee Israel ee aaggaasi.
Hadal kooban oo uu soo saaray Jimcihii, Afhayeenka Pentagon-ka Sarreeye Guuto Patrick Ryder ayaa xaqiijiyey in howlgallada Daroonku “ay bilowdeen kaddib weerarkii 7-dii Oktoobar ay Xamaas ku qaadday Israa’iil,” xilligaasoo kooxda Falastiiniyiinta ay qabsadeen 200 oo laheyste ah.
“Si loo taageero dadaallada soo daynta la haystayaasha, Maraykanku waxa uu duullimaadyo daroon oo aan hubaysnayn ku samaynayaa Gaza, iyo sidoo kale bixinta talo iyo kaalmo si aan u taageerno jaalkeenna Israa’iil oo iyaguna ka shaqeeynaya dadaalkooda soo daynta la haystayaasha,” ayuu yiri Ryder.
Qirashadan ayaa timid kaddib markii saxafiyiintu ay ogaadeen in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn gaar ahaan nooca MQ-9 Reaper ay gaaf wareegayaan degaannada Falastiiniyiinta iyagoo adeegsanaya mareegaha duulimaadyada raadiya.
Maraykanka ayay markaa caddahay inuu haatan ugu yaraan taageero sirdoon ka gaysanayo goobta dagaalka marka laga soo tago kaalmada maaliyadeed iyo midka agab ee uu siiyo IDF.
Hadalsame Media