Maraykanka oo kashifay in Iran ay dagaalka Qasa u wajahayso qaab ”qawda maqashii ah” (Qorshaha ay dejisey?)

0

(Tehraan) O4 Nof 2023 – Iran iyo kooxaha hubaysan ee gobolka ee xiriirka dhow la leh Tehraan ayaa ku socda khad wanaagsan oo u dhexeeya ama dabaal-jooglayn ku aaddan ka dhiidhinta weerar Israa’iil ee Gaza iyo inay xiisaddu isu rogto iskahorimaad buuxa, sida ay sheegtay CNN iyadoo soo xiganaysa ilo xog ogaal ah.

Sida laga soo xigtey saraakiil Maraykan ah oo ay waraysatay shabakadda wararka Maraykanka ee CNN, Washington waxay aaminsan tahay in Iran aysan si buuxda u maamulin qaar ka mid ah kooxaha xulafada la ah, oo ay ku jiraan Xisbullaah oo fadhigeedu yahay Lubnaan, kuwaasoo ay gantaalo iyo madaafiic is dhaafsadeen Israel.

Saraakiisha Maraykanku waxay kale oo “aad uga walaacsan yihiin” in siyaasadda gudaha ee Hezbollah ay ku khasbi karto kooxdan inay sii kordhiyaan xiisadda, sida maqaalku uu leeyahay.

Sida laga soo xigte warbixinta, Iran waxay ka warqabtaa in haddii Hezbollah ay weerar wayn ku qaado Israa’iil ama Maraykanka – oo ah xulafada muhimka ah ee Tel Aviv – ay keeni karto “cawaaqib xun”.

Mid ka mid ah saraakiisha Maraykanka ayaa CNN u sheegay weerarrada heerka hoose ah ee kooxda Xisbullaah ay ku qaaday Israa’iil in Maraykanka uu Iran u arko inay doonayso inay wax uun ka gaysato colaadda Gaza, iyadoo laga fogaanayo iskahorimaad toos ah oo lala galo Israel. Haddii la fasiro, waa inay doonayso inay afka kala taagto, balse aysan waxba qaniinin.

Ilaha CNN ayaa ku tilmaamay ficilladaas “istaraatijiyad la isku dubaridey” iyagoo laakiin ka digaya in habkani uu fashilmi karo oo xaaladdu inay faraha ka bixi karto xitaa haddii labada dhinac midkoodna uusan rabin natiijadaa.

Waxaa arrintan laga dhadhan karey hadal ku jirey khudbaddii Sh. Xasan Nasrallaah ee shalay oo xusay in ”Iran aysan qayb ah” duqaymaha uu ururkiisu ka gaystey woqooyiga dhulka ay Israel haysato.

Hadalsame Media