(Hadalsame) O4 Nof 2023 – Baarlamaanka Aljeeriya ayaa si aqlabiyad leh ugu oggolaaday Madaxwayne Abdelmadjid Tebboune inuu ka dhiidhiyo dagaalka millateri ee Israa’iil ee dhulka Falastiiniyiinta ee Gaza.
Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Carabta ee Al Bawaba, dhammaan sharci-dejiyayaasha dalkaasi ayaa u codeeyey in Tebboune loo ogolaado inuu taageero Gaza, taasoo ka dhigaysa Aljeeriya dalkii labaad ee Carbeed ee si rasmi ah ugu caddeeya inuu Falastiin taageerayo.
Xuutiyiinta Yemen ayaa horay ugu dhawaaqay inay taageerayaan Falastiiniyiinta Talaadadii, waxayna ku dhawaaqeen inay duqaymo diyaarado iyo gantaalo ah ku garaaceen Israel.
Tallaabooyinkan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada Israa’iil ay qaadeen howlgalo dhulka ah oo ka dhan ah ururka Xamaas, oo ah kooxda mas’uulka ka ah weerarkii 7-dii Oktoobar lagu dilay 1,400 oo Israa’iiliyiin ah.
Maamulka maxalliga ah ee Falastiin ayaase ku qiyaasay dhimashada Gaza wax ka badan ilaa 9,000, iyadoo laga cabsi qabo iskahorimaad ballaaran oo hareeya gobolka Bariga Dhexe.
Tunisia ayaa horay uga wada hadlaysey in qofkii lagu helo inuu la shaqeeynayo Israel loo arko khaa’inul waddan, balse ma sheegin tillaabo kale oo ay qaadayaan.
Hadalsame Media