Maraykanka oo dejiyey qorshe cusub oo lagusoo jiidanayo Muslimiinta (Maxay tahay runta uu arkay MW Biden?)

0

(Washington, DC) O3 Nof 2023 – Maamulka Madaxwayne Joe Biden ayaa dhili doona istaraatiijiyad lagula dagaallamayo Islaam nacaybka kusii xoogaysanaysa Maraykanka, sida uu Aqalka Cadi sheegay Khamiistii, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Muslimiinta Maraykanka ay aad uga xun yihiin taageerada Washington ay siiso Israel.

“Madaxwayne Biden wuxuu ugu tartamay xilka si uu usoo celiyo naftii qarankeenna. Waa mid aan mugdi ku jirin: Ma jirto meel uu nacaybku ku leeyahay Maraykanka. Sinaba,” ayay tiri Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad Karine Jean-Pierre oo sidaa bayaan ku sheegtay.

“Muddo aad u dheer, Muslimiinta Maraykanka iyo dadka u eg ee loo arko inay Muslim yihiin, sida Carabta iyo Sikhs-ka, waxay u adkaysanayeen tiro aan la qiyaasi karin oo ah weerarro nacayb ku salaysan iyo dhacdooyin kale oo takoor ah.”

Samaynta “cad oo faahfaahsan” si loo ilaaliyo “Muslimiinta iyo kuwa loo arko inay Muslim yihiin” sabab kasta oo ay ku jiraan “takoorka, nacaybka, kibirka, iyo cunfiga” waxay noqon doontaa mashruuc wadajir ah oo ay ka wada shaqaynayaan Golaha Siyaasadda Gudaha (DPC) iyo Golaha Amniga Qaranka, oo kaashanaya bulshooyinka maxalliga ah, sida uu sarkaal ka tirsan Aqalka Cad u sheegay CNN.

Ku dhawaaqistan ayaa timid kaddib safarkii Biden ee Minnesota, halkaas oo uu kula kulmay dhowr qof oo u dhaqdhaqaaqa Muslimiinta – oo uu ku jiro Xeer Ilaaliyaha Guud Keith Ellison, oo ah Guddoomiye Xigeenkii hore ee Xisbiga Dimoqraadiga.

Booqashada kahor, Isbahaysiga Dhaqdhaqaaqa Muslimiinta ee Minnesota ayaa waxay ka dalbadeen Biden inuu ku baaqo xabbad-joojin Gaza ka hirgasha haddii kale uu waayi doono ilaa 50,000 oo cod oo uu uga tashan lahaa gobolkan Bartamaha Galbeed.

Muslimiinta oo qaadacda doorashadiisa ama u codaysa dhinacyada kale waxay Biden u qoonsan kartaa kursiga sanadka soo socda, gaar ahaan, gobollada wiifoowga ah ee marba dhinac raaca sida Michigan, Pennsylvania iyo Georgia, sida laga soo xigtey HuffPost.

Sahan codayn ah oo dhowaan Muslimiinta Maraykanka laga qaaday ayaa sidoo kale muujinaya in taageeradii ay u hayeen Biden iyo Xisbiga Dimoqraadigu ay hoobatay tan iyo bilowgii duwaymaha aan loo aaba yeelin ee ay Israel ku qaadday Marinka Qasa.

Hadalsame Media