”Xamaas argagixiso ma ahane waa urur xorayneed.”’ – RW Xamse oo hadal aan sonkor la marin jeediyey Shabaabna ku tilmaamay kuwo ku aragti ah kuwa duqaynaya Qasa

0

(Muqdisho) O2 Nof 2023 – Raiisal Wasaaraha XF Somalia, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inaanay marna ogolaan doonin in ururka Xamaas lagu tilmaamo argagixiso, sida ay rabaan dalalka Galbeedku.

”Xoogagga Falastiin ee Xamaas argaggaxiso ma aha. Waa urur xoraynaya dalkooda. Waxay rabaan ha dhahaan reer Galbeed, wixii ka dhacaya ha ka dhacaan, ma dhegaysanayno…wax kasta hadday dhacaan…Kurka haddii naga la jarayo: YEELI MAYNO. waa mujaahidiin.” ayuu isagoo qiiraysan ku qayliyey RW Xamse.

”Dunida Muslimka waxaa la gaarsiiyey in inta Khawaarij miiran loosoo diro qolo waliba gudeheeda la isku mashquuliyey oo la cadaabey ayaa waxaa la gaarsiiyey in maanta sanka nalaka marmarinayo Xamaas waa argagixiso,” ayuu raaciyey Xamse.

Xamse ayaa sheegay in aanay aqbali doonin wax ka yar in la helo dowlad xor ah oo Falastiini ah oo ay caasimad u tahay bariga Quddusta la haysto, xitaa haddii ay aqbalaan jiritaanka Dowladda Israel.

Wuxuu kaloo tilmaamay in Yuhuudda iyo kooxda Shabaabku ay isku mid yihiin oo ay isku si wax u dilaan. ”Waxa Qasa ka socda iyo waxa Soobe ka dhacay ee kumannaan Soomaali ah lagu diley isku meel bay kasoo fuleen oo laga soo amray. Waa mataano, labaduba waa shayaadiin.” ayuu raaciyey isagoo rajeeyey inay dadka Falastiin heli doonaan taageerada Ilaahay, isagoo faray in loo duceeyo Shabaabkana la iska xoreeyo.

Kooxda Shabaab ayaan ilaa haatan wax taageero ah u muujinin kooxaha Falastiin, halka Daacish ayba u hanjabi jirtey kooxahan.

Hadalsame Media