”Waa iidheh naftayda halis gelinaysa!” – Loobiga ugu awoodda badan Israel ee AIPAC oo weerar ku qaaday Ilhaan Cumar & Xildhibaanno kale (Arag magacyada ay soo dhejiyeen)

0

(Hadalsame) O2 Nof 2023 – Sharci-dajiyayaal Maraykan ah ayaa waxay isku dheggan yihiin Kooxda u qarreenta Israa’iil ee AIPAC kaddib markii kooxdan awoodda badan ee u ololaysa Israa’iil ay weerartay iyaga oo ka codeeyey qaraar taageeraya Israa’iil.

AIPAC ayaa waxa ay bartooda Twitter-ka kusoo qoreen Thomas Massie oo ahaa ninka qura ee ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, iyaga oo sheegay inuu la saftay “Kooxda,” oo ka kooban gabdho ay ku jirto Ilhaan Cumar oo ka tirsan Dimuqraadiga isbedel-doonka ah, si ay u diidaan taageerada Israel iyo cambaaraynta Xamaas.

Waa gabdhaha kala ah: Alexandria Ocasio-Cortez, Jamaal Bowman, Rashida Tlaib, iyo Ilhaan Cumar oo qaraarkan ka wada codeeyey, kuwaasoo magacyadooda ay soo dhejisey AIPAC.

Massie oo arrintan ka jawaabayey ayaa isna sheegay in qaraarka ay uu diidey “uu ka kooban yahay ballanqaad furan oo taageero millateri ah oo aad u ballaaran xitaana loo fasiran karo in askarta Maraykanku ay dagaalka galaan si ay uga garab dagaallamaan IDF”.

AIPAC ayaa sidoo kale weerartay sharci-dejiyeyaasha kale ee Dimuqraadiga, sida Ilhaan Cumar oo sheegtay inay ka sameeyeen iidheh halis ah.

“AIPAC run ahaantii waxa ay xayaysiis ka samaysay wejigayga oo ku ag sawiran gantaalaha Xamaas, taasoo keentay khataro is daba joog ah oo ka dhan ah noloshayda,” ayay tiri Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka Arbacadii.

“Waxa ay sameynayaan waa aflagaaddo iyo Islaam nacayb,” ayay raacisay.

Nancy Pelosi oo ka tirsan Congress-ka, ahna Afhayeenaddii hore ee Aqalka Wakiillada, ayaa ku eedaysay AIPAC in ay adeegsadeen “xayaysiino niyad xun oo wax kicin ah,” oo ka dhan ah Ilhaan.

Xildhibaan Dimoqraadiga ee Mark Pocan ayaa ku eedeeyay AIPAC inay tahay “dimoqraadiyad DIID”, isagoo leh “dan kama laha carruurta dhimatay, waxay doonayaan oo dhami waa taageeridda muxaafidka ah Netanyahu”.

Xildhibaan Cortez ayaa taageertay eedeynta Pocan, iyadoo leh “Waxaa la gaarey waqtigii aan aqoonsan lahayn sida ay sun u tahay ku jiritaanka AIPAC ee nidaamkeennaa siyaasadeed.”

Dhanka kale, Aqalka Wakiillada ayaa u codayn doona hindise sharciyeedka lagu siinayo $14bilyan oo Doollar oo gargaar millateri ah Israa’iil. Massie ayaa wuxuu sheegay inuu sidoo kale ka codayn doono sharcigaas.

“AIPAC had iyo jeer way xanaaqdaa markaan ka fikiro danta Maraykanka oo aan hormariyo,” Massie ayaa ku soo qoray Twitter. “Ma u codayn doono $14+ bilyan oo laga goynayo canshuur bixiyayaasha Maraykanka.”

Hadalsame Media