(Muqdisho) O2 Nof 2023 – Maxkamadda Ciidamada Qalaba Sida ayaa ku riday Sheegow iyo Maleeshiyadiisa Xukunno Isugu Jiro Dil, Mag iyo Sanado Xabsi Ciidan ah.
Sheegow Axmed Cali waxaa lagu Xukumay Bixinta Diyada Sakariye Maxamed Cali oo ku baxay Fal-celintiisa iyo magdhow siinta sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir oo uu dhaawacay.
”Sheegow Axmed Cali, hor joogaha kooxdii Ciidamada kula dagaalantay Kaawa Godey August sagaal iyo tobankeedii Sanadkan, waxaa si gaar ah fal-celintiisa ugu baxay Sakariye Maxamed Cali oo ka tirsanaa Ciidamada Amniga, waxa uu Sidoo kale dhaawacay Sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir, Sheegow Maxkamadda waxa ay ku xukuntay, Magta marxuumka uu Dilay, Magdhow siinta Dhaawaca uu gaystay iyo 10-sano oo Xabsi Ciidan ah.” ayaa lagu yiri xukunka.
Sidaas waxaa lagu daabacay goor dhawayd mareegta Garsoor oo ah isha warbaahineed ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Qoraalka xukunka laguma carrab dhabin wax darajo ah oo uu Sheegow ka hayo Ciidanka Xoogga, taasoo ka dhigan in garaaddihii lafa rifay.
Hadalsame Media