Maraykanka oo mowqif cad kasoo saaray in ciidankiisa Gaza la gaynayo & In kale

0

(Washington, DC) O2 Nof 2023 – Maraykanka ayaa markii ugu horreeysey moowqif cad kasoo saaray wararka sheegaya inay ciidankiisu ka dagaallami karaan Marinka Gaza.

Askarta Maraykan aha lama gayn doono Gaza inta lagu guda jiro dagaalka hadda lagula jiro Israa’iil, Aqalka Cad ayaa sheegay, isagoo meesha ka saaray wararka sheegaya in ciidamada Maraykanka loo diri karo howlgal nabad ilaalineed.

Intii lagu guda jirey shirkii jaraa’id ee xog-siinta ahaa ee Arbacadii, afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby, ayaa la waydiiyay bal in ciidamada Maraykanka loo isticmaali doono “dejinta xaaladda” Gaza.

“Ma jiraan wax qorshe ah ama ujeeddo ku aaddan in ciidamada millateriga Maraykanka la geeyo dhulka Gaza, hadda ama mustaqbalka,” ayuu yiri. ”Laakiin waxaan wada hadal kula jirnaa asxaabteenna, sida dagaalka kaddib ay Gaza u ekaan doonto…” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media