(Dar es Salaam) O2 Nof 2023 – Jarmanka ayaa wada hadal la furi doonaa Tanzania si uu ugala hadlo dhaxalkii uu ka tegey gumaysigii uu ka gaystey dalkaasi ku yaalla bariga Afrika, oo waagaas loo yiqiin Tanganyika, sida uu Madaxwayne Frank-Walter Steinmeier sheegay.
“Waa in aynaan iloobin wixii dhacay,” ayuu yiri Steinmeier kaddib markii uu kula kulmay dhiggiisa Madaxwayne Samia Suluhu Hassan magaalada Dar es Salaam taasoo qayb ka ah booqasho saddex maalmood ah oo uu dalkaa ku tegey.
Tansaaniya, oo Jarmanku gumaysan jiray intii u dhaxaysay 1885 ilaa 1918, waxa ay bilowday tillaabo sharci ah oo ka dhan ah Dowladda Jarmanka sannadkii 2017-kii.
Dalkani waxaa uu caddaalad u raadinayaa tobannaan kun oo qof oo ay askarta Jarmanku jirdileen ama dileen intii uu socdey kacdoonkii Maji Maji ee 1905- 1907dii. Inta badan dadkan Tansaaniya waxay u dhinteen gaajo kaddib markii ciidamada Jarmanku ay si ula kac ah u bartilmaameedsadeen ilaha cuntada maxalliga ah iyagoo ku ciqaabaya kasoo horjeesadkoodii xukunkii gumaysiga.
Steinmeier waxa uu sheegay in xiriirka dalkiisa iyo Tansaaniya ay “ hareeyeen xad-gudubyadii xilligaa dhacay” ee ay gaysteen soddonkii sano ee uu Jarmanku dalkaa gumaysanayey.
“Waxaa muhim ii ah inaan xal ka gaarno cutubkan mugdiga ah, anagoo si wadajir ah isula jaanqaadayna,” ayuu yiri.
Hoggaamiyaha Jarmanku waxa kale oo uu ku dhawaaqay qorshayaal uu kula kulmayo eheleda dadkii sameeyey kacdoonkii Maji Maji, isagoo intaa ku daray in Berlin ay u furan tahay inay kala shaqayso Dar es Salaam “dib usoo celinta hantida dhaqameed iyo haraagii dadkii dhintay.”
Siyaasiyiinta iyo dhaqdhaqaaqayaasha Tansaaniya ayaa waxay sidoo kale dalbanayeen magdhow lacageed.
Hadalsame Media