(Hadalsame) 01 Nof 2023 – Saraakiisha Maraykanka iyo Israa’iil ayaa ka fikiraya in ciidan nabad ilaalineed oo caalami ah oo loo diro Gaza haddii Israa’iil ay ku guulaysato inay Xamaas xukunka ka tuurto, sida lagu dhigay Bloomberg, taasoo soo jeedinaysa in ciidamada Maraykanku ay ka qaybqaadan karaan soo daabulista ciidankaasi.
Xilli ay Israa’iil ay sii kordhisay weerarkeeda dhulka, labada waddan waxay “sahminayaan fursadaha la heli karo” mustaqbalka degaankan go’doonsan ee Falastiin, taasoo ay ku jiraan dhowr barnaamij oo nabad ilaalineed, sida ay sheegeen saraakiil xogtan haya.
“Hal doorasho ayaa siinaysa inay Gaza ammaankeeda sugaan wadamada gobolku, kuwaasoo ay taageerayaan ciidamo ka socda Maraykanka, UK, Germany iyo France. Fikrad ahaan, waxaa sidoo kale ku jiri doonta matalaadda wadamada Carabta sida Sacuudi Carabiya ama Imaaraadka Carabta,” Bloomberg ayaa werisey.
Saraakiishu waxay carrabka ku adkeeyeen in wada-hadalladu ay weli ku jiraan marxalad bilow ah, misna Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ee Antony Blinken ayaa arrintan kaga dhawaajiyey warkiisii ugu dambeeyay ee uu kula hadlay sharci-dejiyeyaasha Senet-ka, isagoo soo jeediyey in Washington ay si qoto dheer ugu lug leedahay qorshahan.
Hadalsame Media