(Washington, DC) O1 Nof 2023 – Dhagaysiga Senate-ka Maraykanka ee ku saabsanaa codsiyada gargaar deg deg ah oo lagu taageerayo Israa’iil iyo Ukraine oo dagaal kula jira Xamaas iyo Ruushka, siday u kala horreeyaan, ayaa waxaa si isdaba joog ah u carqaladeeyey dibad-baxayaal dalbanaya in maamulka Madaxwayne Joe Biden uu Israel ku cadaadiyo xabbad-joojin laga sameeyo Gaza.
Xoghayaha Arimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken, oo si cad u qirtay inuu Yuhuud yahay lana tacasubayo, ayaa ku khasbanaaday inuu dhowr mar khudbaddiisa hakiyo inta lagu guda jireu dhagaysiga Talaadadii shalay iyadoo mudaaharaadayaashu ay qaylinayeen, korna u taagayeen calaamado, kuwaasoo ugu dambayntii ay meesha ka saareen saraakiisha ammaanku.
Mar ayaa xitaa nin ku qayliyey wasiir Blinken inuu joojiyo taageerada xasuuqa iyo isir sifaynta qowmiyadeed ee dadka Falastiin.
Mar kasta oo warka laga kala gooyo, Blinken wuu joojinayey hadalkiisa oo si toos ah ayuu u eegayey, isagoo aan wax falcelin ah u jeedin mudaaharaadayaasha. Waxa uu ka hadlayey taageerada codsiga Biden ee Congress-ka si loo ansixiyo $106 bilyan oo deg deg ah, taasoo kala ah $ 14.3 bilyan oo Israa’iil la siinayo iyo $ 61.4 bilyan oo Ukraine loo qoondeeyey.
Mar kale, Guddoomiyaha Guddiga Qoondaynta Senate-ka Patty Murray ayaa ka falcelisay carqaladaynta iyada oo leh, “Waan aqoonsan nahay in dadku ay aad u qiiraysan yihiin, laakiin waxaan waydiisanayaa inaan dhowrno nidaamkan qolka dhegeysiga oo aan ixtiraamno dadka ku hadlaya. Waxaan horay u sii wadi doonnaa dhegeysiga, waxaana u oggolaan doonnaa dadka halkan jooga iyo dadka Maraykanka ahi inay maqlaan hadalladooda.”
Hal qof oo dumar ah ayaa laga soo saaray qolka dhegeysiga iyadoo kor u taagtey boor ay ku dalbanayso “inaan lacag dambe la siin Israa’iil” iyadoo u sheegtay in senetarrada inay is ceebsadaan oo ku baaqaan xabbad-joojin ka dhacda Gaza.
“Dunidu waxay ku baaqaysaa xabbad-joojin,” ayay ku qaylisay. “Dadka Maraykanku ma rabaan inay taageeraan dagaalkan naxariis darada ah.” ayay raacisay intaan hoolka laga saarin.
Pro-Palestine protesters interrupt Blinken’s speech in Congress and demanded a ceasefire in #Gaza. pic.twitter.com/auaSaM9s4f
— Quds News Network (@QudsNen) October 31, 2023
Hadalsame Media