(New York) O1 Nof 2023 – Safiirka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobey ee Gilad Erdan, ayaa sheegay in isaga iyo kooxdiisu ay xirandoonaan xiddigta jaallaha ah xilliyada fadhiyada Golaha Ammaanka ilaa inta ay si buuxda u cambaaraynayso “xasuuqii” Xamaas ay gaysatey 7-dii Oktoobar, isagoo ku eedeeyey beesha caalamka wax ka qabad la’aanta ka dhalatay weerarka lagu qaaday maamulka Yahuudda.
“Qaarkiin waxba kama aad baran 80-kii sano ee la soo dhaafay,” Erdan ayaa ku yiri khudbad uu ka jeediyaey golaha, isagoo xiran xiddig jaalle ah oo ay ku qoran yihiin ereyada ‘mar dambe maya!.’
“Markan waan idin xasuusin doonaa,” ayuu sii raaciyey isagoo dulmi isla bihin-bihinaya. “Laga bilaabo maanta, mar kasta oo aad i eegto waxaad xasuusan doontaa waxa ay ka dhigan tahay in xumaanta laga aamuso. Sida looga aamusay waalidkay iyo awoowayaashey oo ahaa malaayiin Yuhuud ah, hadda kaddib aniga iyo kooxdaydu waxaan xiran doonaa xiddigta jaalaha ah.”
Erdan waxa uu intaa ku daray: “Waanu xiran doonaa xiddigtan ilaa aad ka kacdaan oo aad ka cambaaraysaan xasuuqa Xamaas”.
Golahan Ammaanka oo ka kooban 15 xubnood ayaan weli hal go’aan kasoo saarin weerarkaas, iyadoo ay dib u soo cusboonaatay colaadda u dhexeysa Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ah ee Xamaas.
WAA MAXAY XIDDIGTAN? Dhowr dhacdo oo taariikhi ah, dadka Yuhuudda ah ayaa lagu amri jirey inay xirtaan xiddigta Jaallaha ah si loogu aqoonsado inay bulshada ka takooran yihiin diin ama qoomiyad ahaan – waxaana dadkii sidaa ku amri jirey ka mid ahaa Naasigii Jarmanka intii lagu jirey Dagaalkii Labaad ee Yurub.
Hadalsame Media