(Moscow) 01 Nof 2023 – Madaxwaynaha Ruushka ee Vladamir Putin ayaa cambaareeyey duqaymaha joogtada ah ee ay Israa’iil ku hayso dhulka Falastiiniyiinta ee Qasa, isagoo sheegay inaan waxba qiil ah loo heli karin.
Madaxwaynaha ayaa hadalkan jeediyey isagoo khudbad ka jeedinayey shir albaabadu u xirnaayeen oo uu la qaatay xubnaha golaha ammaanka ee Ruushka iyo madaxda hay’adaha sharciga dalkiisa.
“Dhacdooyinka xunxun ee hadda ka socda Marinka Qaza, halkaasoo boqollaal kun oo qof oo aan waxba galabsan si aan kala sooc lahayn loo laynayo, kuwaasoo aan haysan meel ay u cararaan, iyo meel ay kaga dhuuntaan duqaymaha, wax loogu qiil samayn karaa ma jiraan,” ayuu yiri Putin.
”Ficillada arxan darrada ah ee Israa’iil ee degaanka go’doonsan ee Falastiin waxay kaliya kicinayaan caro,” Putin ayaa ku dooday.
“Markaad daawato caruur dhiiggu ka hoorayo, caruur dhimatay, silaca dadka da’da ah, dhimashada dhakhaatiirta – gacmahaagu waa duubmayaan oo ilmadu waa kaa qubanaysaa. Sidaas oo ay tahay ma ahan, ma ogolaan karno inay na hoggaamiyo shucuur,” ayuu yiri Madaxwaynaha Ruushku.
Dhibaatada ka socota Bariga Dhexe waxay ku bilaabatay “Weerar Argagixiso” oo lagu qaaday rayidka Israel, Putin ayaa xusay. Si kastaba ha ahaatee, halkii ay “ciqaabi lahayd” kuwii ka dambeeyey, Israa’iil nasiib darro waxay dooratay aargoosi cad waxayna u ciqaabtay rayidka, ayuu yiri Putin. xilsaartay “mas’uuliyadda wadajirka ah” ee arrintaas, ayuu Putin raaciyay.
Hadalsame Media