Maraykanka oo 4 dal oo Afrikaan ah ka cayriyey barmaamijka canshuur dhaafka ganacsiga AGOA (Waxa qaarkood lagu maagay oo yaab leh)

0

(Washington, DC) 01 Nof 2023 – Madaxwaynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo inuu ka saaro Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika (CAR), Gabon, Niger, iyo Uganda barnaamijka ganacsiga Maraykanka, Xeerka Kobaca iyo Fursadaha Afrika (AGOA), isagoo tixraacaya u hoggaansanaan la’aanta shuruudaha ka qaybgalka.

“Waxaan tallaabadan u qaadayaa sababtoo ah waxaan go’aamiyey in Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Gabon, Niger, iyo Uganda aysan buuxin shuruudaha u-qalmitaanka barnaamijkan AGOA,” ayuu Biden ku sheegay warqad uu u diray Senate-ka Maraykanka.

Dowladaha CAR iyo Uganda – oo horraantii sanadkan meel mariyey sharciyo liddi ku ah LGBTQ – waxay ku kaceen “xadgudubyo waawayn” oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ee caalamku aqoonsan yahay, sida uu sheegay hoggaamiyaha Maraykanku.

Biden wuxuu sidoo kale ku andacoodey Niger iyo Gabon, halkaasoo ay millaterigu awoodda kula wareegeen afgembiyadii dhowaa, ay ku guuldarraysteen inay dhidibbada u taagaan ama ay horumar ka sameeyaan ilaalinta nidaamka xisbiyaa badan ee siyaasadda iyo kala dambaynta dimoqraadiga ah.

AGOA ayaa waxaa la bilaabay 2000 si ay mudnaan u siiso wadammada ka hooseeya saxaraha Afrika ee u qalma inay cashuur la’aan ganacsiyadooda u geeyaan suuqyada Maraykanka taasoo dhan 1,800 oo badeecooyin ah.

Inkastoo Biden uu qorshaynayo cayrinta afartan waddan ee Afrika Janaayo 1, 2024, wuxuu sidoo kale sheegay inuu sii wadi doono inuu qiimeeyo haddii ay mustaqbalka buuxiyaan shuruudaha u-qalmitaanka barnaamijka.

Hadalsame Media