(Hadalsame) O1 Nof 2023 – Jordan ayaa u yeeratay safiirkeedii Israel Arbacadan iyada oo ka mudaaharaadaysa dagaalka Israa’iil ee ka socda Marinka Gaza ee go’doonsan, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Anadolu.
Wasiirka Arrimaha Dibedda, Arman Safadi, ayaa sidoo kale ku wargeliyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Israa’iil in aysan u ogolaan doonin Safiirka Israel inuu ku laabto Cammaan oo ah caasimadda Urdun.
Ergayga Israel ayaa ka tegay Boqortooyada bilowgii dagaalka Gaza sababo la xiriira taxadar dhanka ammaanka ah.
”La laabashada Safiirka ayaa la xiriita dagaalka Israel ee Gaza iyo soo afjaridda masiibada bini’aadminnimo ee ay sababtay tillaabooyinka Israel ee ka qaadaya Falastiiniyiinta xuquuqdoodii cunto, dawo, biyo, iyo xaqa ay u leeyihiin inay ku noolaadaan dhulkooda,” ayuu Safadi ku yiri hadal uu soo saaray.
”Dagaalkani waxa lagu diley dad aan waxba galabsan, waxa uu sababayaa masiibo bini’aadminnimo oo aan hore loo arag waxana uuna keenayaa fiditaan (colaada), taasoo khatar galin doonta amaanka gobolka oo dhan iyo amaanka iyo nabadda caalamiga ah.” ayuu ku daray.
Ciidamada Israel ayaa ballaariyey weerarada cirka iyo dhulka ah ee ay ku hayaan Marinka Qaza oo duqaymo aan kala joogsi lahayn ay ku hayaan tan iyo weerarkii lama filaanka ahaa ee Xamaas ay ku qaadeen 7-dii Oktoobar.
In ka badan 10,300 oo qof ayaa tan iyo markaas lagu diley dagaalka, kuwaasoo ay ku jiraan ugu yaraan 8,796 Falastiiniyiin ah iyo in ka badan 1,538 Israa’iiliyiin ah.
Hadalsame Media