”Dagaalkii 3-aad sidan ayuu ku bilowday” – Ruushka oo sharraxay sababta aan durba ugu jirno dagaal aad looga wada baqayey

0

(Hadalsame) 01 Nof 2023 – Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka ayaa horraanba socda, sida uu qabo Fyodor Lukyanov, oo ah khabiir dhanka siyaasadda arrimaha dibedda ee Ruushka.

”Nidaamkii caalamiga ahaa oo aan ahayn “mid wanaagsan” laakiin “la maarayn jirey” ayaa la burburinayaa oo hadda uma muuqato inuu jiro hab-howleed lagu xalliyo isku dhacyada socda, kuwaasoo ay ku jiraan xiisadda sii socota ee u dhexeeysa Israel iyo Xamaas,” ayuu aaminsan yahay.

Lukyanov, oo ah Guddoomiyaha golaha sare ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo difaaca (SVOP) ahna tafatiraha guud ee Ruushka ee majaladda Global Affairs, ayaa hadalkan ku sheegay waraysi uu daabacay wargayska Komsomolskaya Pravda.

Waqtiyadii danbe, adduunka waxaa la arkayey colaado gabow ah oo barafaysnaa oo dib loo shidayo, ayuu sheegay Lukyanov, isagoo tusaale u soo qaatay colaadda Nagorno-Karabakh, ismariwaaga Ruushka iyo Yukreen iyo xiisadda sii kacaysa ee Bariga Dhexe .

Isku dhacyada socda ayaa ah waxa loo yaqaan ”Nidaamka Cusub ee Adduunka” (New World War), kaasoo u muuqda in uu si wayn uga duwan yahay labadii isku dhac ee caalamiga ahaa ee qarnigii 20-aad, Lukyanov, oo sidoo kale ah maamulaha cilmi-baarista ee Naadiga Wada-hadallada Caalamiga ah ee Valdai, ayaa soo jeediyey.

Xiisadda ka taagan Bariga Dhexe ma ahan colaaddii ugu dambaysey ee soo socota, iyadoo dhowaan la filayo inay dagaallo kale ay ka qarxaan caalamka oo dhan – mana jirto cid hadda awood u leh inay joojiso, ayuu sidoo kale ka digey.

“Nidaamka caalamiga ah wuu burburayaa. Waxa uu ahaa mid aan fiicnayn, oo ku salaysan cabsida burbur la isu gaysto maadaama nukliyeer la haysto, laakiin waa la maarayn karo,” ayuu yiri.

”Dagaallada Bariga Dhexe ayaa horayba u dhici jirey, laakiin USSR (Soofiyeetkii) iyo USA (Maraykanka) ayaa soo dhexgalay oo damiyey. Haddase ma arko xitaa hab lagu gaari karo xal ku meel gaar ah.” ayuu yidhi Lukyanov.

Hadalsame Media