(Hadalsame) 31 Okt 2023 – Dalkii ugu horreeyey ayaa xiriirka u jaray Israa’iil tan iyo markii uu bilaabmay dagaalkii ugu dambeeyey ee ay ku qaadeen Gaza kaddib weerarkii Xamaas ee 7-dii bishan Oktoobar, iyada oo dowladda bidix ee dalkan koonfurta Ameerika ay go’aankeeda u cuskatay dembiyo dagaal iyo xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka oo laga gaystey Marinka Qaza.
Go’aanka waxaa shir jaraa’id oo ay qabatay galabnimadii Talaadadan kaga dhawaaqday María Nela Prada, oo ah wasiir ka tirsan maamulka Madaxweyne Luis Arce. “Waxaan dalbanaynaa in la joojiyo weerarrada ka socda Marinka Gaza oo illaa hadda galaaftay nolosha kumannaan qof oo rayid ah islamarkaana sababay barakaca khasabka ah ee Falastiiniyiinta,” ayay wasiiraddu saxaafadda ugu sheegtay caasimadda rasmiga ah ee dalkeeda, La Paz.
Wasiir Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Bolivia, Freddy Mamani Machaca, ayaa isna sheegay in go’aankani uu ka dhigan yahay ” diidmo iyo cambaarayn ku aaddan weerarka gardarrada ah ee aan loo meel dayin ee Israel ee Marinka Gaza iyo khatarta uu u leeyahay nabadda iyo ammaanka caalamiga ah”.
Tallaabada Bolivia ayaa timid kaddib markii Madaxwaynihii hore ee Evo Morales uu ku baaqay in dalkiisu uu xiriirka ugu jaro Israa’iil “xaaladda argagax leh oo soo food saartay dadka Falastiiniyiinta”.
Isagoo ku qoraya X, oo hore loogu yiqiin Twitter, horaantii bishan, Morales waxa uu dalbaday in Israa’iil lagu sifeeyo inay tahay dowlad argagixiso ah iyo in Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, iyo “kuwa gacan-saarka la leh” lagu xukumo maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC iyadoo lagu oogayo xasuuq iyo dembiyo dagaal.
Bolivia waxa ay hore xiriirka ugu jartay Israel sanadkii 2009 kaddib duullaankii gobolka ee Marinka Qaza laakiin waxa ay dib usoo celisay xiriirka 2020-kii markaasoo uu xukunka hayey madaxwaynihii midigta ahaa ee Jeanine Áñez.
Bolivia maaha waddankii ugu horreeyey ee Koonfurta Ameerika ah ee muujiya carada uu u hayo Israa’iil ee ku aaddan jawaabta aarsiga ah ee aan loo aaba yeelin kaddib weerarradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar.
Madaxwaynaha garabka bidix ee Colombia, Gustavo Petro, ayaa dhowaan falka Israa’iil barbar dhigay kuwii Naasigii Adolf Hitler’, isagoo canaan kala kulmay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Israa’iil, taasoo ku eedaysay inuu khatar geliyey nolosha Yuhuudda tiiyoo uu dhiirri-gelinayo “falalka argagaxa leh ee argagixisada Xamaas” isagoo baahinaya “cadaawad iyo oraahyo Saami nacayb ah”, sida ay ku doodeen.
Hadalsame Media