”Waa naqaan cidda ka dambaysa” – MW Putin, Xukuumadda & Baarlamanka Ruushka oo kulan deg deg ah yeeshay kaddib rabshado ka dhan ah Yuhuudda oo ka dhacay gobol ay Muslimiintu u badan yihiin

0

(Moscow) 31 Okt 2023 – Rabshado Axaddii ka dhacay Jamhuuriyadda Dagestan ee Ruushka waxaa dhiirrigeliyey sirdoonka reer Galbeedka ee ku sugan dhulka Ukraine, waana qayb ka mid ah dadaalka ballaaran ee lagu doonayo in lagu khalkhal geliyo caalamka, ayuu yiri Madaxwayne Vladimir Putin Isniintii.

Putin ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu isugu yeeray dhammaan madaxda Ruushka, sida golaha wasiirrada iyo labada af-hayeen ee labada aqal ee baarlamaanka, si looga wadahadlo isku-dayga reer Galbeedku ku doonayaan inay dalkaa kaga abuuraan kala qaybsanaan, sida la yiri.

Kulankan ayaa daba socda rabshado ka dhan ah Yuhuuda oo ka dhacay Jamhuuriyadda Dagestan, kuwaasoo ka dhashay warar been abuur ah oo lagu baahiyey kanaal Telegram-ka ku yaalla oo ku xiran Ukraine kaasoo sheegay in ‘qaxooti’ ka imanaya Israa’iil la qorsheeyey inay yimaadaan gobolkan oo ay Muslimiintu u badan yihiin.

“Dhacdooyinka Makhachkala ka dhacay waxaa dhiirigeliyey shabakadaha bulshada, oo ay ku jiraan kuwo ku sugan dhulka Ukraine, waana wakiillada adeegyada sirdoonka ee reer Galbeedka.” ayuu Putin ku yiri khudbadiisa furitaanka kulanka fiidkii xalay.

Telegram ayaa horey u mamnuucay ‘Utro Dagestan’ (Subaxda Dagestan), oo kanaal ku xiran sirdoonka Ukraine kaasoo ku baaqay in la weeraro garoonka Makhachkala si loo raadiyo”qaxootiga Yuhuudda.” Ku dhawaad 150 qof ayaa ka qaybqaatay rabshadahan.

Hadalsame Media