Shiinaha oo ku dhaqaaqay arrin ay xitaa la yaabeen dadka Shiinaha oo ka dhan ah Israel (Hiillo Falastiin)

0

(Beijing) 31 Okt 2023 – Khariidadaha khadka tooska ah ee internet-ka ee ay diyaariyeen shirkado badan oo Shiinees ah ayaa magaca Israa’iil ka saaray dhulka taariikhiga ah ee Falastiin, sida lagu sheegay warbixin lagu baahiyey Wall Street Journal (WSJ) shalay.

Warbixintu waxay xustay in dadka isticmaala internet-ka ee Shiinuhu ay jahawareer ka muujiyeen in magaca “Israa’iil” uusan kasoo muuqan khariidadaha dhijitaalka ah ee khadka tooska ah ee shabakadaha Shiinaha ee hormuudka ah sida Baidu oo u dhigma Google iyo goobta ganacsiga online-ka ah ee Alibaba oo u dhigma Amazon iyo Ebay.

Warqaadka ayaa tan ku sheegay, inay ka dhigan tahay “mad-madow la mid ah diblomaasiyadda Beijing ee aan kala caddayn ee ay ku wahayso gobolka Bariga Dhexe guud ahaan”, sida uu u dhigay.

“Baidu’s Chinese language online maps demarcate the internationally recognised borders of Israel, as well as the Palestinian territories, plus key cities, but don’t clearly identify the country by name,” said the WSJ.

“Baidu ayaa tuuray khariidadda calaamadaysan ee xuduudaha caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ee Israel, iyo sidoo kale magaalooyinka muhimka ah, isagoo aan si cad u sheegin magaca dalka.” ayuu qoray WSJ.

Waxay intaa ku dareen in sidaas oo kale ay tahay khariidadaha ku jira Alibaba ee qaybta Amap “halkaasoo xitaa quruumaha yaryar sida dalka Luxembourg si cad loogu muujiyey”, balse ay ka maqan tahay Israel.

Carice Witte, oo ah Agaasimaha SIGNAL Group, oo ah hay’ad wax falanqaysa oo Israeli ah oo diiradda saarta Shiinaha ayaa New York Times u sheegtay inay ”tani muujinayso in Dowladda Shiinuhu ay raalli ka tahay.”

Dowladda China oo tan iyo 1992-kii xiriir iskaashi oo dhow la yagleeshay Israel ayaa ilaa haatan diiddan inay cambaarayso ama argagixiso ku sheegto kooxda Xamaas, taasoo ay ka dalbatay Tel Aviv.

Hadalsame Media