Israel oo bilowday khaarajinta madaxda Xamaas (2 la diley & lix la bartilmaameedsanayo + Magacyada)

0

(Quddus) 31 Okt 2023 – Saddex maalmood kaddib howlgalkii Daadka Al-Aqsa ee ay Xamaas qaadday, Israa’iil ayaa ku dhawaaqday inay khaarajisay laba sarkaal oo sare oo ka tirsan Xamaas; Jawad Abu Shmala iyo Zakaria Abu Mucammar, kuwaasoo u qaabilsanaa dhanka maaliyadda iyo xiriirka gudaha.

Shalay ayay se sidoo kale ahayd markii hoggaamiyaha mucaaradka Israel ee Yair Lapid uu ku dhawaaqay inuu taageersan yahay in hoggaanka Xamaas lagu baabi’iyo dilal qorshaysan, isagoo magacaabay lix sarkaal oo uu bartilmaameedsigani ku fooggan yahay.

“Dowladda Israa’iil waa inaysan hakan ilaa aan ka dilno lix qof: Yahya Sinwar, Mohammed Deif, Ismail Haniyeh, Saleh Al-Arouri, Khaled Meshal iyo Marwan Issa,” ayuu Lapid u sheegay intii lagu jirey shirkii toddobaadlaha ah ee Yesh Atid.

“Dowladda Israa’iil waxay u baahan tahay inay nimankaa hesho, meel kasta oo ay joogaan. Haddi ay tahay Gaza ama waddamo kale, dhib malahan.” ayuu ku dooday.

Ma ahan markii ugu horreeysey oo siyaasiyiinta Israel ay ku baaqaan in dib loo bilaabo dilalka qorshaysan. Bishii Juun ee sanadkan, Wasiirka Amniga ee midigta-fog, Itamar Ben-Gvir ayaa sidoo kale si cad ugu baaqay dilal qorshaysan oo khaarajis ah, isagoo taas u arkayey inay lama huraan tahay.

Hadalsame Media