Faahfaahinno kasoo baxaya labo wadaad oo fiidkii lagu dilay Dhuusamareeb & Xilliga dilka lagu beegay

0

(Dhuusamareeb) 31 Okt 2023 – Alle ha unxariistee waxaa fiidnimadii caawa magaalada Dhuusamareeb ee xaruntda maamul goboleedka Galmudug lagu dilay Shiiq Xasan Diirshe Cade Iyo Saciid Tahliil Maxamed oo ah ganacsato.

Labada Marxuum oo labaduba ganacsato ahaayeen ayaa la sheegay in loo dilay aano qabiil oo daba socotay dad hore loogu dilay deegaanka, iyadoo warar kale ay sheegayaan in dilkoodu uu ka madax bannaan yahay aanada qabiil.

Booliska magaalada ayaa dad u xirxiray dhacdadan iyada oo wararka nasoo gaaraya ay sheegayaan in gaadidna la qabtay.

Waxa labada marxuum lagu dilay bartamaha magaalada, taas oo cabsi kale ku abuurtay dadka deegaanka.

Xiriir aan la sameynay laamaha ammaanka ee magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay noo sheegeen in ay baaritaanno ku wadaan sida ay wax u dheceen.

Taliyaha saldhigga booliska ee magaalada Dhuusamareeb Nuur Cilmi Hoosagale ayaa BBc-da uga war bixiyay sida ay wax u dheceen isagoo yiri “Walaaleheen ayey gacan kaxaq daran caawa ku dileen Dhuusamareeb, waxa ay kamid ahaayeen dadka ugu macquulsan magaalada, waxa ayna ahaayeen ganacsato, marka xigta Falkaan waa mid aragagax leh, cid kasta oo geysatay wax ay uga dan leedahay qal-qal gelin amni.

Dhusamareb

Taliyaha saldhigga

“Dilku waxa uu ka dhacay gudaha magaalada, waxa uu dhacay xilli uu roob da’yay oo lakala okoranayay, marka loo fiiriyo xilliyagana waxa ay ahayd waqti is beddelka shaqada uu dhacayay oo is beddelka ciidamada uu socday, oo shaqadii habeenimo iyo tii maalinnimo la’is dhaafsanayay”.

Waxa la sheegay in uu dilku ka dhacay meel kabaxsan goobahooda ganacsi iyadoo isla markaana ay isla socdeen xilliga labadoodaba la dilayay.

Taliyaha oo ka hadlayay ayaa yiri, “dilku waxa uu u muuqday in lala eegtay waqtiga uu dhacayay, waxaa lagu dilay meelo kabaxsan shaqdooda balse aan ka fogeyn, waxaana uu ahaa mid lagu carqadeynayo amniga magaalada”.

Booliska ayaa sheegay in ay baaritaanno wadaan iyadoo lagusoo qabtay dad lagu tuhusanyahay in ay lug lahaayeen dilka ganacsatada, dhinaca kale arrintan dilka ayaa la’isla dhex marayay in uu salka ku hayo aano qabiil.

Nuur Cilmi, oo ka hadlay baaritaannada ay sameeyeen iyo sababta ka dambeys dilka ayaa yiri, “Baaritaanno ayaan sameynay oo waxaa lasoo qabtay dad laga shakiyay, waxaa jira tuhmanayaal aan heyno magacyadooda, haddana aan ku howlannahay in aan gacanta kusoo dhigno, arrinta kale ayaa ah in falkan uu yahay mid amniga loogasoo horjeedo iyo mid ay ku jiraan dano siyaasadeed mana aaminsanin in ay tahay arrin salka ku heysa aano qabiil”.

Labada ganacsatada ah ee la dilay ayaa la sheegayaa in kamid ahaayeen dadka ugu magaca dheer ee magaalada, iyadoo lasoo sheegayo in dilkooda uu abuuray cabsi dhinaca amniga magaalada ah.

Dilalka la xiriira aanada qabiil ayaa ah mid soo jireen ah marka loo eego guud ahaan Soomaaliya.

BBC

Hadalsame Media