Dal ka tirsan Midowga Yurub oo cayrta uu bixiyo ka mamnuucay in lagu iibsado tubaako & Khamri

0

(Hadalsame) 31 Okt 2023 – Dal ka tirsan Midowga Yurub ayaa dhaqangeliyey qaab cusub oo dadka cayrta ah lagu caawinayo iyadoo laga hortegayo in lacagta yar ee la siiyo ay ku iibsadaan waxyaabo balwad la xiriira sida tubaako iyo sigaar.

Estonia ayaa waxay soo bandhigtay kaarar cunto oo loogu talagalay dadka u baahan iyadoo waddanku uu doonayo inuu yareeyo cadaadiska cunta-yarida bulshada. Tallaabadan ayaa waxaa Isniintii ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha Bulshada ee Estonia.

Wasaarada ayaa sheegtay in kaararkan la qaybin doono laga bilaabo shalay 30-ka bishan Oktoobar, waxaana lagu bedelayaa nidaamkii hore ee xirmada gargaarka cuntada.

Isticmaalka kaararkan, waxaa la siinayaa 28,936 qof ee hadda ku tiirsan barnaamijyada gargaarka cuntada waxayna awoodi doonaan inay wax kaga iibsadaan dukaamada tafaariiqda ee Rimi ee ku baahsan dalkaa oo dhan.

Sida uu dhigayo nidaamka cusub, qoys kasta oo xaqa u leh waxaa la siin doonaa hal kaar, qof kastana waxaa la siin doonaa €30 euro (qiyaastii $31 Doollar) adeeggiiba.

Lacagta waa in lagu isticmaalo mudada loo qoondeeyey gudaheeda wixii baaqi ah ee kaarka harana qofka looguma darayo qaybta ku xigta oo way ka dhimanaysaa.

Sidoo kale, kaarka waxa kaliya oo loo isticmaali karaa waa in lagu iibsado cunto iyo waxyaabaha aasaasiga ah mana lagu iibsan karo tubaakada ama khamriga.

Hadalsame Media