(Hadalsame) 31 Okt 2023 – Waxaa weli soconaya duqaymaha ay Israel ku hayso Marinka Gaza, halkaasoo ay weerareen kaddib markii weerar kedo ah ay Xamaas ku qaadday dhulka ay Israel haysato 7-dii Oktoobar.
Yeelkeede, haatan ciidamada Israel ayaa la arkay iyagoo ku guda jira heeso ay ugu dabaaldegayaan go’doominta iyo duqaynta ay ku hayaan Gaza xilli ay Tel Aviv uu sii waddo dagaalka ay ku hayso degaanka oo ay sheegtay inay dhulka ku ballaarinayso.
Waxay ku heesayaan waxyaabo ku digasho ah sida: “Yaan haysan biyo, cunto iyo koronto?” kaddibna kuwa heesta daawanaya ayaa iyagoo faraxsan uga koobinaya: ”Gaza!”
Si kastaba, dadka ku dhintay weerarka Israel ee Gaza ayaa haatan kusii dhow 9,000 oo qofood, kuwaasoo 89% rayid ah.
Hadalsame Media