(Tehraan) 30 Okt 2023 – Tehraan ayaa iska dhego-tiri doonta digniinaha Maraykanka ee ah inaan la faragelin khilaafka Xamaas iyo Israa’iil, sida uu Madaxwaynaha Iran ee Ebrahim Raisi sheegay, waxa uu sidoo kale weeraray reer Galbeedka oo uu ku eedeeyey inay ka caga jiidayaan inay gacan ka gaystaan joojinta colaadda.
Wareysi uu siiyey Al Jazeera oo fadhigeedu yahay Qadar Sabtigii, Raisi wuxuu sheegay in Washington “ay na waydiisaneyso inaanan dhaqaaqin ayadoo taageero ballaaran siinaysa maamulka Sahyuuniyadda…Tani waa dalab aan sax ahayn.”
Madaxwaynaha Iran waxa kale oo uu sheegay in haowlgalkii dhulka ee Israa’iil ay ku balaarisay Qaza uu ahaa mid guuldarraystay, isaga oo ku sifeeyey “guushii labaad ee [Falastiiniyiinta] kaddib [bilowga] Howlgalkii Duufaanta Al-Aqsa,” isaga oo tixraacaya weerarkii ugu horreeyey ee lama filaanka ah ee Xamaas ku qaadday Israa’iil. Oktoobar 7.
Waxa kale oo uu sheegay in Maraykanku uu farriimo u diray ‘Axis of Resistance’ – isaga oo tixraacaya isbahaysiga aan rasmiga ahayn ee xoogagga kasoo horjeeda reer Galbeedka iyo kuwa kasoo horjeeda Israa’iil ee Bariga Dhexe – “wuxuu helay jawaab macquul ah oo ka imanaysa dadwaynaha.”
Raisi oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey Maraykanka iyo qaar ka mid ah wadammada Yurub oo aanu magacaabin inay “hortaagan yihiin xabad joojinta Gaza,” isagoo siyaasadda noocaas ah ku tilmaamay “dembi dagaal”.
Waxa uu intaa ku daray in “xisaabta Maraykanka ee gobolka Bariga Dhexe ay gabi ahaanba khaldan tahay, wuxuuna tilmaamay in aanu yoolkiisa ka gaari doonin Bariga Dhexe ee cusub,” isagoo ku nuuxnuuxsaday in taageerada Tehraan ee Falastiin “aanay ka gelaynin wax tanaasul ah.”
Hadalsame Media