“Ma aha in magaceenna xasuuq looga gaysto Gaza” – Spain oo mar kale farriin kulul u dirtay EU si loo xito (Daawo)

0

(Madrid) 30 Okt 2023 – Wasiirka Xuquuqul Insaanka ee Isbaanishka Lone Belarra ayaa ku boorrsey hoggaamiyeyaasha Yurub inay qaadaan tallaabooyin deg deg ah oo ka dhan ah Israa’iil, oo ay ku jiraan inay jaraan xiriirka diblomaasiyadeed iyo inay kusoo rogaan cunaqabateyn dhaqaale.

Warka Lone ayaa imanaya jeer ay sii kordhayaan duqaymaha iyo howlgallada dhulka ee lasii ballaarinayo ee ka dhanka ah Xamaas iyo dadka rayidka ah ee ku dugan Marinka la go’doomiyey ee Gaza.

Waxa ay sidoo kale ku baaqday in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee Benjamin Netanyahu lagu soo oogo dembiyo dagaal oo ka dhan ah dadka rayidka ah ee Gaza.

“Kaddib habeenkan cadaabta ah ee Gaza, waxaan hayaa fariin aad u fudud laakiin aad muhim ugu ah madaxda Yurub. Ha naga dhiginina kuwo ku lug leh falka xasuuqa. Ma aha in lagu fuliyo magaceenna, “Belarra ayaa sidaa ku tiri fariin muuqaal ah oo xamaasad leh oo ay ku qorray X (ex Twitter).

In ka badan 8,000 oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 3,342 carruur ah, ayaa lagu diley Gaza tan iyo markii uu bilowday ololaha hawada ee Israa’iil, sida lagu sheegay tirooyinkii ugu dambeeyey ee Wasaaradda Vaafimaadka Gaza.

Weerarkii Xamaas ee aan hore loo arag ee ay Israa’iil ku qaadday, iyo sidoo kale boqollaal gantaalo ah oo lagu garaacay dhulka ay haysato Israa’iil horraantii bishan, ayaa waxa ku dhintay ku dhowaad ​​1,400 oo qof, halka ilaa 230 Israa’iiliyiin iyo ajaanib ah la qafaashay, sida ay sheegeen Ciidammada Difaaca Dulmiga Israa’iil.

Hadalsame Media