(Hadalsame) 28 Okt 2023 – Waxaa la ansixiyey sharci qabyo ah oo xiriirka Israel ka dhigaya sharci darro, kuwaasoo ay ku jiraan ka qaybgalka ama isku dayga ku lug yeelashada kulamo looga hadlayo ganacsiga, iskaashiga dhaqaalaha, dhaqanka, iyo dhaqdhaqaaqa millateriga oo ay ku lug leedahay Israel.
Tallaabadan ayaa ku soo beegantay xilli ay dalkan Woqooyiga Afrika ka socdaan mudaaharaadyo lagu taageerayo Falastiiniyiinta, iyadoo duqaymaha Israa’iil ay ku qaaday marinka Gaza ay ku dhinteen in ka badan 7,000 oo qof ilaa haatan kaddib markii Xamaas ay la qabsadeen 200 oo maxaabiis ah ayna dileen ilaa 1,400 oo Israa’iiliyiin ah intii lagu jirey duullaankii 7-dii Oktoobar.
“Sharcigan qabyada ah waxaa ka mid ah todobo cutub, kuwaasoo ay ku jiraan ciqaabo gaaraya ilaa xabsi daa’in,” ayay Wakaaladda Wararka ee Reuters ka soo xigatey Hela Jaballah, oo ah Madaxa Guddiga Baarlamaanka Tunisia ee Xuquuqda iyo Xorriyadda.
Ciqaabta xabsi daa’imka ah ayaa ah kuwo lagu mutaysan karo “dembiyada basaasnimada, taageeridda cadawga Sahyuuniyadda, iyo qaadista wixii ka dhan ah Falastiiniyiinta,” ayuu xildhibaan Yuusuf Tarshoun u sheegay Wakaaladda Wararka ee New Arab.
Wuxuu kaloo sharraxay in sharciga lasoo jeediyey uu ka mamnuucayo muwaadiniinta u dhashay dalka Tunisia inay ka qaybgalaan shirarka caalamiga ah iyo madlaha lagu qabto gudaha dhulka “Sahyuuniyadda”, sida uu yiri.
Kaliya shan ka mid ah 22-ka waddan oo Carbeed – Masar, Marooko, Jordan, Bahrain, iyo Isutagga Imaaraadka Carabta – ayaa ilaa haatan caadiyeeyey xiriirka ay la leeyihiin Israel.
Sudan ayaa ka mid ahaa dalal iyaguna sheegay inay sidaa yeelayaan, balse kaddib mucaaradad maxalli ah oo ka imanaysey shacabka iyo axsaabta dalkaasi, taasi marna ma hirgelin ilaa haatan.
Hadalsame Media