Turkiga & Somalia oo yeeshay kulan ay albaabadu u xiran yihiin (Arrin caalami ah oo ay markii ugu horreeysey ka hadleen)

0

(Istanbul) 28 Okt 2023 – Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdoğan ayaa magaalada Istanbul ku qaabiley dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay sheegeen ilo-wareedyo diblomaasiyadeed oo Turkiga ka tirsan.

Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xirnaayeen ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen xiriirka labada dal iyo tadawurka caalamiga ah.

Waxaa wehlinayey Wasiirka Difaaca Qaranka Turkiga ee Yaşar Güler, Wasiirka Wershadaha iyo Tiknoolajiyadda Mehmet Fatih Kacır iyo wefdiga kale ee la socda MW Soomaaliya, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Xiisadda colaadeed ee ka dhex aloosan Israa’iil iyo Xamaas iyo qalalaasaha bini’aadminnimo ee ka taagan Qaza ayaa la filayey inay madaxdu ka wada hadleen iyadoo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay ka dhaceen dibadbaxyo waawayn oo lagu taageerayo Falastiiniyiinta oo la mid ah kuwii Turkiga.

Soomaaliya ayaa xiriir dhow oo dhanka dhaqaalaha, diblomaasiyadda iyo millaterigaba la leh Turkiga, kaasoo sii kordhayey tan iyo markii Erdogan uu booqday Soomaaliya 2011-kii.

Intaa wixii ka dambeeyey, Turkiga waxa ay Muqdisho ka dhistay safaarad 80,000-mitir oo jibbaaran (861,112-cagood oo jibbaaran) ah, taasoo ah safaaradda ugu wayn ee ay Turkigu ku leedahay Afrika, sida uu qoray Daily Sabah.

Soomaaliya ayaa sidoo kale hoy u ah saldhigga ugu wayn ee uu Turkigu ku leeyahay dibedda iyo xarun tababar. Waxa ay awood u leedahay inay qaaddo ku dhowaad ​​1,500 oo tababartayaal ah markiiba waxa ayna hore u tababareen in ka badan 5,000 oo askari Soomaali ah.

Hadalsame Media