(Hadalsame) 28 Okt 2023 – Xubin sare oo ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in kooxda falastiiniyiinta ah ay la yaabtay falcelinta MarAykanka ee colaadda Gaza, isagoo soo jeediyey in Maraykanka uu soo gali karo dagaalka kaddib markii uu gobolka u diray kumannaan askari iyo labo markab oo diyaaradaha xambaara.
Wareysi uu siiyey wargayska Financial Times oo la daabacay Jimcihii, Ali Barakeh, oo xubin ka ah hoggaanka siyaasadda Xamaas ee fadhigiisu yahay Lubnaan, wuxuu sheegay in kooxdu “aysan ka filayn jawaabtan intan la’eg” Maraykanka.
“An Israeli response? Yes, we expected that,” he said. “But what we’re seeing now is the entrance of the US into the battle, and this we didn’t count on.”
“Jawaabta Israa’iil? Haa, waan filaynay taas,” ayuu yiri, “Laakiin waxa aan hadda aragno waa soo gelitaanka Maraykanka ee dagaalka, taa kuma aynaan xisaabtamaynin.” ayuu raaciyey.
Washington ayaa muujisay cududda ay ku leedahay Bariga Dhexe tan iyo markii Xamaas ay weerarka ku qaaday Israa’iil 7-dii Oktoobar, iyada oo laba markab oo kuwa diyaaradaha qaada ah gaysey badda Mediterranean-ka, iyo sidoo kale markab berri-biyood ah oo sida 2,000 oo badmaaxayaal ah.
Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in tillaabooyinkan ay uga gol leeyihiin in looga hortago in dalal kale ay ka qaybqaataan dagaalka Gaza.
Hadalsame Media