(Gaza) 28 Okt 2023 – Waxaa lasoo bandhigay waaqica Marinka Gaza oo tan iyo horraantii bishan Oktoobar ay ku socdaan duqaymo aan loo aaba yeelin oo ay ku waxyeelloobeen dad iyo hanti aad u fara badan.
Muuqaalkan oo ay dayax-gacmeedka ku qaadday hay’adda ka shaqaysa tiknolojiyadda hawada sare ee Maxar Technologies oo fadhigeedu yahay magaalada Westminister, Gobolka Colorado ee dalka Maraykanka ayaa soo saaray qarada duqaymaha loo gaystey Gaza.
Waxaa si farqiga jira loo caddeeyo la is barbardhigay muuqaalladii la kala qaaday bishii Maajo ee sanadkan iyo bishan Oktoobar wixii ka dambeeyey 7-dii Oktoobar oo ah xilliga duqaymaha lagu bilaabay Marinka Gaza.
Si kastaba, Israel ayaa haatan bilowday wax ay ku sheegtay wejiga cusub ee weerarka Gaza iyadoo gebi ahaanba jartay internet-ka iyo isgaarsiinta aaggaasi oo horayba looga jaray biyaha, korontada, dawooyinka, gaaska, cuntada iyo saadka kale ee daruuriga ah.
Satellite images reveal the extent of destruction in Gaza done by Israeli strikes. Since the October 7 Hamas attack on Israel, the Israeli military has been bombarding the strip. pic.twitter.com/CBdKwzcqCQ
— DW News (@dwnews) October 27, 2023
Cutting off all communication to a population of 2.2 million is unacceptable. Journalists, medical professionals, humanitarian efforts, and innocents are all endangered.
I do not know how such an act can be defended. The United States has historically denounced this practice. https://t.co/L9iV7TSs2u
— Alexandria Ocasio-Cortez (@AOC) October 27, 2023
Hadalsame Media