(Nairobi) 28 Okt 2023 – Dowladda Kenya ayaa sharraxaad ka bixisay qunsul ay u magacowday magaalada Hargaysa oo ay dadka qaarkood ku tilmaameen ”Danjire rasmi ah” oo loo diray Somaliland.
Warqad rasmi ah oo kasoo baxday Wasaarad Dibadeedka Kenya oo lagu hagaajiyey Safaaradda Somalia ee Nairobi, ayaa lagu sheegay in maqaamka Cabdiweli Maxamed Xuseen oo ay Kenya u dirsatay Hargaysa uu ku egyahay Qunsul Guud, taasoo meesha ka saaraysa inuu yahay Danjire, kana dhigan inuu hoos tago Safaaradda Kenya ee Muqdisho.
Waxaa kale oo qoraalka WaD Kenya lagu caddeeyey in Kenya ay Somaliland u aragto gobol ka tirsan DF Somalia, islamarkaana ay Kenya u hayso Somalia aqoonsi aan ka leexleexad lahayn.
Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli sanadihii dambe, gaar ahaan, xilliyadii ay aadka u kacsanayd xiisadda dhul-badeedka ay Kenya sheeganaysey ay dhowr mar siyaasiyiin ka socda Somaliland ay tageen Nairobi, iyagoo ku doodaya inay Kenya wax badan wadaagaan sidaa darteed ay tahay in la aqoonsado.
Hadalsame Media