”Waxaan dalalka deriska ah u jeedinney dalab xooggan” – RW Itoobiya oo mar kale ka hadlay arrintii dekedda & Galaangalka badda

0

(Adis Abeba) 27 Okt 2023 – Itoobiya weligeed dal kale kuma soo duulin, danaheedana kuma cayrsan doonto dagaal, ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed, isagoo ka hadlayey walaaca ka dhashay codsigiisii ahaa in Addis Ababa ay deked ka hesho Badda Cas.

“Waxaa jirta cabsi laga qabo in Itoobiya ay duullaan qaaddo kaddib dalabkeennii xoogganaa ee dhowaanahan ee ahaa in la galaangal loo helo badda,” ayuu Abiy ku yiri khudbad uu u jeediyey kumannaan askari oo lasoo rigeeyey maalinta Ciidammada Qaranka ee 116-aad ee dalkaas, Khamiistii.

Khamiistii, Abiy wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiya “weligood aysan weerar qaadin” haatanna aanay cidna weerari doonin,” isagoo raaciyey “waxaa naga go’an inaan danaha labada dhinac wadahadal iyo gorgortan ku raadinno.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa horay xubnaha Baarlamaanka khudbad uu maalmo kahor ka jeediyey oo taleefishinnada laga baahiyey ku sheegay in dalkan bariga Afrika ee aan badda lahayni uu xaq u leeyahay inuu yeesho deked, nabadda gobolkuna ay ku xiran tahay “wax wadaagid dheelli tiran” oo ay la yeeshaan dalalka deriska la ah oo uu tilmaamay inay biyo macaan ka helaan dalkiisa.

Itoobiya waa dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, mase laha wax bad ah si ka duwan afarta dal ee deriska la ah ee Eritrea, Djibouti, Somalia oo laba badood isku haysata & Kenya.

Hadalsame Media