”Waa diidney in markii la diido tacaddiga IDF lagu tilmaamo Yuhuud nacayb” – Maamulka Magaalo wayn oo Maraykan ah oo qaraar aqlabi ah soo saartay

0

(Richmond, VA) 27 Okt 2023 – Golaha Degaanka magaalada Richmond ee Gobolka Virginia ee dalka Maraykanka, ayaa shalay 5-1 ugu codeeyey in la ansixiyo qaraar aqoonsanaya dhibaatada Falastiiniyiinta ee Gaza, wuxuuna Israa’iil ku eedeeyey isir sifayn.

Dood qaatay todobo saac kaddib ayaa codayntan la qabtay wax yar kaddib 1-dii duhurnimo ee shalay, iyadoo hal qof oo golaha oo ka mid ahaa uu diidey inuu qaraarka u codeeyo, maadaama uusan taageersanayn Falastiin balse uu isna aaminsan yahay in loo baahan yahay in wax badan laga qabto sidii la isugu keeni lahaa Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta.

Duqa Magaalada Eduardo Martinez iyo Xigeenka Duqa, Gayle McLaughlin, ayaa riixayey qaraarkan, kaas oo dhigaya “in magaalada Richmond ay u taagan tahay midnimada & madaxbannaanida dadka Falastiiniyiinta ee Gaza, kuwaas oo hadda wajahaya olole isir sifayn ah iyo ciqaab wadareed ay fulinayso Dowladda Israa’iil,” sida ay u qoreen.

Isagoo ka jawaabaya eedaymaha ah in dhaleecaynta noocaas ah ee siyaasadda Israa’iil ay tahay mid Yuhuud naceyb ah, Martinez wuxuu yiri: “Waan diidayaa fikradda ah in ka hadalka tacaddiga millateriga Israa’iil iyo xukuumadda garabka midig ay tahay mid ka soo horjeeda Yuhuudda.”

”Waa inaanan marnaba ka aamusin. Dadka reer Falastiin waxay hadda la tacaalayaan waxa ay Qaramada Midoobey ugu yeertay dembiyo dagaal oo ay gaysanayso Dowladda Israa’iil.” ayuu ku qayliyey.

Hadalsame Media