(Hadalsame) 27 Okt 2023 – Spain ayaa soo jeedisey, Khamiistii, qabashada shir caalami ah oo nabadeed si loo helo xal laba dowladood ah oo lagu xalliyo iskahorimaadka Israa’iil iyo Falastiin, Wakaaladda Anadolu ayaa faafisay.
”Waxaan soo jeedinaynaa in shir nabadeed caalami ah lagu qabto muddo lix bilood gudahood ah si beesha caalamku u dareento inay qayb ka yihiin. Waxaana hubaal ah inaan xal laba dowladood ah u heli karno Israa’iil iyo Falastiin,” ayuu yiri RW Spain ee Pedro Sanchez Perez-Castejo oo ka hor hadlayey Golaha EU ee Brussels.
”Israa’iil waxaa hore u aqoonsanayd beesha caalamka iyadooo cidda ay tahay in haatan la aqoonsado ay yihiin dadka Falastiiniyiinta ah,” ayuu soo jeediyey, isagoo ku adkaystay in xallinta colaaddani ay ku iman karto nabad ku wada-noolaanshaha laba Dowladood.
Wuxuu xusay in Madrid ay ka warqabto in aqoonsigani uu u baahan yahay dood adag, wuxuuna yiri: “Waxaan doonaynaa inaan gaarno heshiis, laakiin sida iska cad waxaa jira shaqo badan oo weli dhiman.”
Wuxuu Israel ugu baaqay inay dhowrto xeerarka insaaniyadda ee jira. Ilaa haatan waxaa dhintay 8,000 oo qofood kuwaasoo ug yaraan 7,028 ay u dhasheen Falastiin, halka 1,400 ay Israeli yihiin.
Gaza oo ay deggan yihiin 2.3 milyan oo qof ayaa waxaa ka go’an cuntada, biyaha, korontada, dawada iyo shidaalka, tiiyoo ay gawaari gargaar yar sidaa ay halkaa gaynayaan wax jajab yar ka noqonaya baahida jirta.
Hadalsame Media
Hadalsame Media