Maraykanku ma dagaalka Gaza ayuu kusoo biiray? Duqaymo uu ka afeeftay oo uu fuliyey + Sababta

0

(Hadalsame) 27 Okt 2023 – Maraykanka ayaa Khamiistii duqaymo ka gaystey labo xarumood oo ku yaalla Suuriya oo lagu sheegay inay adeegsadaan ilaalada kacaanka Iran iyo kooxaha ay taageerto Iran, Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Lloyd Austin, ayaa sidaas ku sheegay bayaan.

Duqaymahan ayaa waxaa amray Madaxwayne Joe Biden, taasoo jawaab u ah weerarradii dhowaan lagu qaaday ciidamada & shaqaalaha Maraykanka ee Suuriya toddobaadkan.

Qandaraasle Maraykan ah ayaa dhintay intii lagu guda jirey mid ka mid ah weerarradaas kaddib markii uu wadnuhu istaagey isagoo gabbaad ku jira, waxaana ku dhaawacmay 21 askari oo Maraykan ah.

“Maraykanku ma raadinayo khilaaf, mana laha wax rabitaan ah ama dan ku saabsan inuu galo colaado kale, laakiin weerarradii kooxaha Iran ay taageerto ee ka dhanka ah ciidamada Maraykanka waa wax aan la aqbali karin waana in la joojiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Weeraradan gaaban ee is-difaaca ah ayaa loogu talagalay in lagu ilaaliyo oo lagu difaaco ciidamada Maraykanka ee Ciraaq iyo Suuriya. Wayna ka duwan yihiin dagaalka socda ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, kamana dhigna isbeddel ku aaddan moowqifkeenna dagaalka Israel iyo Xamaas.” ayaa lagu daray bayaanka.

Ilo kale ayaa tibaaxaya in Biden uu aad uga caga jiidayey duqaymahan laftooda, balse ay ku cadaadiyeen kooxaha midigta fog oo ku dooday inay sii socon doonaan haddii aan jawaab laga bixin.

Biden ayaa dabcan ka baqaya in duqaymahani ay furaan qaxaab naareed oo ay keenaan dagaal ballaaran oo gobolka Bariga Dhexe ka qarxa.

Hadalsame Media