(Muqdisho) 27 Okt 2023 – Waxaa la iclaamiyey kulan aan caadi ahayn oo berri la iskugu yeeray Golaha Wasiirrada DF Somalia.
Kulanka oo la muddeeyey 14:00 duhurka kaddib marka la eego amminta maxalliga ah, isagoo ku qabsoomaya Xafiiska RW Xamse.
Iclaaminta laguma faahfaahin ujeedka kulanka marka laga reebo inuusan caadi ahayn.
Yeelkeede, xogo suuqa ku jira ayaa tibaaxaya in kulankan ay ka dhici karto xil ka qaadis wasiirrada qaarkood, ama in ugu yaraan qaar la is waydaariyo.
Hadalsame Media