(Hadalsame) 25 Okt 2023 – Newcastle ayaa lagu soo warramayaa inay ugu hanjabtay AC Milan dacwad malaayiin gini ah tiiyoo uu xidigga khadka dhexe ee Sandro Tonali uu isku diyaarinayo ganaax dheer oo ciyaaraha laga saaray muddo 10 bilood iyo dheeraad ah, haddii loo baahdo dhaqancelin, taasoo meesha ka saari doonta inta ka harsan xilli ciyaareedka.
Si kastaba ha ahaatee, ganaaxu uma badna inuu si rasmi ah u yimaado kahor kulankooda Champions League ee ay ku wajahayaan Borussia Dortmund ee ka dhacaya St James’ Park waxaana Tonali diyaar u noqon doonao kooxda uu wado Howe. Ganaax kasta waxa uu dhaqangelayaa kaliya maalinta xigta.
Warkan naxdinta leh ayaa imaanaya wax ka yar afar bilood kaddib markii uu £52 milyan oo ginni kaga soo biiray kooxda ka ciyaarta horyaalka Premier League dhanka AC Milan.
Haatan, sida laga soo xigtey Corriere dello Sport, waxay si dhab ah uga fikirayaan inay dacwad ka gudbiyaan Milan, iyagoo ka carooday in kooxda reer Talyaani inay ka iibiyeen ciyaartooy aan la heli karin inta badan xilli ciyaareedkan.
Yeelkeede, taasi waxba uma goynayso kooxda Magpies, waayo in Milan arrintan lagu qabsadaa waxay ku xiran tahay inay caddaato inay ogayd khamaarka laacibka kahor intaysan iibinin, taasoo uu meesha ka saaray laacibka laftiisa oo qirtay in kulamada uu ku khamaaray ay ku jiraan kuwo ay Milan ciyaartay, balse aanu xilligaa iyada ka tirsanayn, iyaduna aysan ogayn.
Hadalsame Media