“Tani waxay caawinaysaa cadowgiinna” – Obama oo runta u sheegay Israel

0

(Hadalsame) 25 Okt 2023 – Madaxwaynihii hore ee Maraykanka ee Barack Obama ayaa taageeray xaqa ay Israa’iil u leedahay inay iska difaacdo Xamaas, balse waxa uu uga digey in istaraatiijiyad kasta oo “iska indha tiraysa qiimaha bini’aadamku” ay noqon doonto mid aan miro dhal lahayn.

Qormo lagu faafiyey Medium, Obama waxa uu ku ayidey baaqii Madaxwayne Joe Biden ee ahaa in Maraykanku “taageero saaxiibkooda gobolka iyo baabi’inta awoodeeda milateri ee Xamaas,” iyo soo daynta la haystayaashii lagu qafaashay weerarkii Oktoobar 7.

Si kastaba ha ahaatee, Obama ayaa ku dooday, inay muhim tahay in istaraatijiyadda Israa’iil “ay u hoggaansanto sharciga caalamiga ah” oo ay yarayso dhimashada iyo dhibaatada dadka rayidka ah.

Mana aha oo kaliya mid “akhlaaq ahaan cadaalad ah oo ka tarjumaysa aaminadeenna qiimaha dhabta ah ee nolosha bini’aadamka” laakiin sababtoo ah waa arrin “muhim u ah dhisidda xulafada iyo qaabaynta ra’yiga caalamiga ah – kuwaasoo dhamaantood asaas u ah amniga mustaqbalka fog ee Israel.”

Isagoo tilmaamaya in kumannaan Falastiiniyiin ah horraanba la dilay, kuwaasoo ay ku jiraan carruur, boqollaal kun oo kalena ay ku barakaceen, Obama wuxuu ku dooday in cadaadiska lagu hayo Gaza uu sii adkayn karo dabeecadaha Falastiiniyiinta ee jiilasha soo socda, baabi’innayana taageerada caalamiga ah ee Israa’iil, islamarkaana uu qiil siinayo cadawga Israel taasoo wiiqaysa dadaallada muddada dheer” si nabad loo gaaro.

Wuxuu Maraykanka iyo Israel ugu baaqay inay la xaajoodaan wax uu ku sheegay Falastiiniyiinta ogol jiritaanka Israel.

Si kastaba, Obama oo 8 sano fadhiyey Aqalka Cad ayaan laftiisu waxba ka qaban xaalka Bariga Dhexe.

Hadalsame Media