MW Faransiiska oo keenay hindise keeni kara inuu ballaarto dagaalka Marinka Gaza

0

(Hadalsame) 25 Okt 2023 – MadaxwAynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron ayaa soo jeediyey in ciidamada reer Galbeedka ee la geeyey Suuriya iyo Ciraaq, si ay ula dagaallamaan haraadiga kooxda Daacish ee argagixisada ah, dib loogu diro Falastiin si ay ula dagaallamaan kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas.

Macron oo ka barbar hadlayey Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee Benjamin Netanyahu mar uu booqasho ku tegey magaalada Quddus Talaadadii, ayaa sheegay in isbahaysiga uu hoggaamiyo Maraykanka, oo ay ku jiraan tobanaan waddan, ay tahay inay qaadaan howlgal cusub oo ka dhan ah kooxdan fadhigeedu yahay Gaza.

“Faransiisku waxa uu diyaar u yahay in ciidanka isbahaysiga ah ee ka dagaallamaya Ciraaq iyo Suuriya ee ka dhanka ah ISIS, uu sidoo kale la dagaallamo Xamaas,” ayuu yiri Madaxwaynaha Ruushku.

In kasta oo aanu tafaasiil ka bixin soo jeedintan, haddana waxa uu ka digey in hawlgallada ka dhanka ah Xamaas ay ahaadaan kuwo aan naxariis lahayn balse ay sharci yeeshaan.

Xafiiska Macron ayaa markii dambe soo saaray bayaan uu Reuters ugu sharraxay in isbahaysiga caalamiga ahi ee dalalkaa joogaa ay sidoo kale tababaraan ciidamada Ciraa iyo Suuriya.

Netanyahu isla markiiba ma uusan ka jawaabin soo jeedinta Macron, balse wuxuu Xamaas ku tilmaamay ”Naasiga cusub.”

Hadalsame Media