(Hadalsame) 25 Okt 2023 – Ciidamada Maraykanka ayaa lagu bartilmaameedsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo ugu yaraan toban jeer gudaha Ciraaq iyo saddex jeer oo Suuriya ah tan iyo 17-kii Oktoobar, sida ay sheegeen saraakiisha Pentagon-ku.
Washington ayaa ku eedeysay maleeshiyaad ay Iran taageerto, balse waxay qiratay inaysan jirin wax caddayn ah oo eedda lagu saari karo hoggaanka Tehraan inay amreen weerarrada.
Labaatan askari oo Maraykan ah ayaa waxaa soo gaaray “dhaawacyo fudud” kaddib markii labo diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayni ay la beegsadeen saldhigga millateri ee At-Tanf ee koonfurta Suuriya 18-kii Oktoobar, taliska dhexe ee Maraykanka ayaa sidaa u sheegay NBC News Talaadadii markii ugu horreeysay ee ay xaqiijiyaan khasaaraha Maraykanka.
Isla waqtigaas, afar kale oo Maraykan ah ayaa ku dhaawacmay laba weerar oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhanka ah ciidamada Maraykanka ee deggan saldhigga Al-Asad ee galbeedka Ciraaq.
Kiis gaar ah oo isla saldhiggaas ka dhacay, qandaraasle rayid ah oo Maraykan ah ayaa u dhintay “wadne xanuun” isagoo ka gabanaya weerar daroon.
Guud ahaan, intii u dhaxaysay Oktoobar 17 iyo 24, ciidamada Maraykanku hoggaaminayo ayaa la weeraray ugu yaraan 13 jeer “iyada oo la adeegsanayo hal qaab oo ah in ama lagu weeraray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ama gantaalo,” Xoghayaha Warfaafinta Brig. Gen. Pat Ryder ayaa u sheegay saxafiyiinta isagoo ku sugan Pentagon Talaadadii.
Hadalsame Media