(Hadalsame) 25 Okt 2023 – In xayaysiin lagu sameeyo dhinacyada gantaalaha loo gano hawada sare ayaa waxay soo xarayn kartaa 200 milyan oo rubal ($2.1 milyan oo Doollar), sida ay sheegayaan koox senatorro Ruush ah iyo xildhibaannada Aqalka Sare ee Duma.
Siyaasiyiinta ayaa soo saaray sharci u ogolaanaya shirkadda Roscosmos oo u dhiganta NASA-da Maraykanka inay xayaysiis ku dhejiyaan gantaalaha hawada sare, iyaga oo ku doodaya in tani ay noqon karto il dhaqaale oo muhim u ah hay’adda.
Xayaysiintan ayaa waxa ay gacan ka gaysan doontaa soo jiidashada dhallinyarada cusubi inay xiiseeyaan barnaamijyada hawada sare, iyo inay abuuraan dakhliyo loo qoondayn doono horumarinta barnaamijyada iyo mashaariicda hal-abuurka cusub,” sida ay sharci-dejiyeyaashu ku doodayaan.
Marka loo eego sharciga qabyada ah ee lagu soo bandhigay Aqalka Duma, xayaysiintani waxay sidoo kale noqon kartaa il dakhli dheeri ahu uu kasoo galo DF Ruushka iyo shirkadda dowladda ee Roscosmos.
Dakhligan ayaa waxaa si siman u wadaagi doona labada dhinac ee DF iyo shirkaddan marka la eego hindisahan.
Hadalsame Media