(London) 25 Okt 2023 – Milkiilayaasha Chelsea Pitch ayaa xaqiijiyey go’aanka kooxda ee ku saabsan qorshahooda garoonka mustaqbalka ee la filayo in la soo gabagabeeyo waqti dhow, laakiin waxay ka digeen in dib u dhis lagu sameeyo Stamford Bridge inay qaadan karto ilaa toddobo sano.
Jamciyadda taageerayaasha ee awoodda badan ayaa waxaa la asaasay 1993-kii si loo hubiyo inaan garoonka naadiga marna abid laga iibin karin dadka wax dhisa ee ka shaqaysta hantida ma guurtada ah.
In ka badan 14,000 oo taageerayaasha Chelsea ah oo ku kala nool daafaha caalamka ayaa wax ku leh garoonka Stamford Bridge iyo qaybaha kale ee garoonka, sida uu qorayo Daily Mail.
CPO ayaa waxay sidoo kale leedahay xuquuqda magacaabista kooxda Kubadda Cagta Chelsea waana inay ogolaato ka guurista Stamford Bridge, kahor inta aan go’aankaa la gaarin.
Qorshayaasha Chelsea ee dib u dhiska Stamford Bridge waxay u muuqdeen in la qaaday tillaabo wayn horraantii bishan, kaddib markii ay mas’uuliyiinta shirkadda Stoll Charity ay oggolaadeen inay kooxda ka iibiyaan guryo ay deggan yihiin ruug caddaayaashii hore ee ciidanka.
Iibsiga oo ku kacaya ilaa £80 milyan ginni oo lagu helayo inta badan goobta Sir Oswald Stoll Mansions oo ka kooban 157 flat ayaa waxay ku xiran tahay qandaraas la filayo inuu dhammaado horraanta 2024.
Dhanka kale, qolada u xilsaaran dib u dhiska Earl’s Court oo ka mid ah meelaha ay Chelsea doonayso inay u guurto, ayaa ‘si gaar ah’ u diiday inay kala xaajoonayaan Chelsea sidii ay garoonkooda ugusoo wareejin lahaayeen halkaas haddii ay kasoo guuraan garoonka Stamford Bridge.
Hadalsame Media