(Hadalsame) 24 Okt 2023 – Saraakiisha Maraykanka ayaa walaac ka muujiyey in Israa’iil aysan haynin qorshe lagu shaqayn karo oo ay ciidamo dhulka ah ugu diri karto Gaza, waxayna su’aali ka taagan tahay in IDF ay gaari karto hadafkeeda ah in la baabi’iyo kooxda Xamaas, sida uu qoray wargayska New York Times.
Wadahadalladii ugu dambeeyey ee uu la yeeshay dhiggiisa Israa’iil, Yoav Gallant, Xoghayaha Difaaca Maraykanka ee Lloyd Austin, wuxuu carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo “tixgelin taxaddar leh” kahor inta aan la bilaabin weerar dhulka ah ee degaan dadku ku badan yahay sida Gaza, New York Times ayaa sidaas werisey Isniintii.
“Maamulka [Maraykanku] waxa uu sidoo kale ka walaacsan yahay… in Ciidamada Difaaca Israa’iil aysan weli helin dariiq millateri oo cad si ay u gaaraan hadafka Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ee ah ciribtirka Xamaas,” ayaa lagu yiri warbixinta NYT.
Warqaadka ayaa intaa ku daray “in wadahadal dhexmaray saraakiisha Israel iyo Maraykanka tan iyo weerarradii Xamaas ee Okt. 7, ay saraakiisha Maraykanku sheegeen in aanay weli arag qorshe hawleed laga gun gaari karo.”
In kasta oo Aqalka Cadi uu ku adkaystay in saraakiisha Maraykanku aanay go’aanno u gaarayn Israa’iil, haddana Pentagon-ka ayaa lagu soo warramayaa inay u dirtay Jen. James Glynn, oo wax badan ka dagaallamay Ciraaq, si uu ugala taliyo ciidammada Difaaca Israa’iil (IDF) howlgallada magaalooyinka.
Hadalsame Media