(Muqdisho) 24 Okt 2023 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho kulan kula qaatay siihayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya A.I Shane Dixon iyo Korneyl David J.Haskell oo ah Taliyaha Howlgalka Africom ee Soomaaliya.
Dowladda Maraykanka ayaa muujisay taageeradeeda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, iyagoo Madaxweynaha iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay uga libinta keeneen dagaalkan, maadama gacanta argagixisada laga saaray degaanno badan oo istaraatiiji u ah isu-socodka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.
Madaxweyanaha Jamhuuriyadda oo kulankan uu kala qeyb-galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa soo bandhigay go’aanka mideysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay isla qaateen ee ku aaddan in ay iska dulqaadaan argagixisada ciriiriga ay ku hayso nolasha dadka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay doorka hagaagga amni ee ay Soomaaliya ka qaadan karto Geeska Afrika.
Sidoo kale, Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey taageerada farsamo iyo milatari ee saaxiibada caalamku ay ka gaysanayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab.
Waxaa kale oo uu tilmaamay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay mudan yihiin taageero ciidan oo taas ka mug wayn, maadaama argagixisadu ay yihiin aafo caalami ah oo ay tahay in lagu dabar-gooyo iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah, sida lagu yiri war kasoo baxay Villa Somalia.
Hadalsame Media