Kooxda Man City oo De Bryne ka qaadan karta go’aan aysan taageerayaashu ka farxi doonin

0

(Manchester) 24 Okt 2023 – Kooxda Manchester City ayaa waxaa laga yaabaa inay go’aan lama filaan ah ka qaadato laacib muhim ah oo kooxdaa ka tirsan.

Waxay taasi ku saabsan tahay cusbooneysiininta qandaraaska laacibka Kevin De Bruyne: sida laga soo xigtey Football Insider.

Dhaawacyadii faraha badnaa ee bilihii u dambeeyey soo gaarey ayaa Citizens ku qancin kara inay horta sugaan kahor inta aan laga hadlin muddo kordhin suurtagal ah oo heshiisku uu ku egyahay 2025-ka.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Belgian ayaa ciyaaray kaliya 22 daqiiqo kahor inta uusan dhaawac ku bixin kulankii furitaanka xilli-ciyaareedka ee Burnley.

Waxa hore usoo maray dhowr dhaawac oo muruqa ah, waxana uu u muuqdaa mid muddo dheer ka maqnaan doona garoomada.

Hadalsame Media